Xildhibaanad loo diiday in Cunugeeda xarunta Baarlamaanka ku dhex haysato !!

Xildhibaanad u dhalatay dalka Denmark ayaa ka cabatay in loo diiday cunug shan bilood jira oo ay dhashay in ay ku dhax heesato Xarunta Baarlamaanka si ay shaqadeeda Qaranka u gudato cunugeedana u heysato.

Mette Abildgaard oo katirsan Baarlamaanka Denmark ayaa sheegtay in gabadheeda 5-ta bil jirta ay la tagtay xarunta Baarlamaanka, kadib markii aabaha gabadha dhalay u suuro gali weysay in uu kasii hayo.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in Gudoomiyaha Baarlamaanka ay kahor timid in cunug lagu dhax hayo Baarlamaanka dhaxdiisa, waxa ayna hooyadan ka dalbatay in Xildhibaanada war cad ka keenaan arimaha caruurta la xiriira.

Xildhibaanadan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxa ay ku sheegtay in horey u aragtay Xildhibaanad sideeda oo kale cunugeeda ula tagtay xarunta Baarlamaanka wax dhibaata ahna aan  kala kulmin.

Mette Abildgaard ayaa sheegtay in gabadheeda aheyd mid aan sawaxan sameeneyn oo jawi degan, waxa ayna intaa raacisay in xogheynada kula heshiisay hadii ay gabadheeda buuq sameyso in ay banaanka u saareyso.

Gudoomiyaha Baarlanaanka Denmark ayaa shaaca ka qaaday in xarunta Baarlamaanka loogu tala galay in ay ku shiraan shaqadoodana ku qabsadaan Xildhibaanada Baarlamaanka balse aan loogu tala galin caruurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -